|
Ururka isboortiga ee Alsalaam
Ururka isboortiga ee alsalaam
waa urur ay ku badan yihiin dhalinyarada muslimiinta ah.
Ururku waxaa uu leeyahay qaybo
kala duwan oo xagga ciyaaraha ah. Waxaa ugu weyn qaybta kubada
cagta. Qaybtaasi waxaa ay ka kooban tahay dhalinyarada waaweyn oo
koox ah. Waa kooxda lagu magacaabo ALSALAAM. Waxaa kaloo jira saddex
kooxood oo caruurta yar-yar ah. Waa caruurta dhalatay 1996, 1997 iyo
1999. Caruurtaasi waxaa ay tababar qaataan usbuuciiba laba jeer.
Waxaana ay ka qayb galaan ciyaaro kala duwan. Caruurta waxaa kaloo
laga dhisaa arimaha bulshada oo ay ka mid yihiin sida loo xaliyo
muranka badanaaba ka dhex dhasha caruurta, in la is xushmeeyo aana
la isku xadgudbin.
Ururka Alsalaam waa urur ay
reerka oo dhami kaalin ka heli karaan. Aabaha reerku waxaa uu la
tababaran karaa kooxda Alsalaam xitaa haddii aadan dooneynin inaad
ciyaaraha rasmiga ah ka qayb qaadatid. Hooyada reerku waxaa ay la
tababaran kartaa gabdhaha muslimiinta ah. Kuwaas oo keligood
tababarta( aerobics). Caruurta reerka oo dhan Alsalaam boos ayuu u
hayaa. Waxaa ay ka qayb qaadan karaan kubada cagta, kolayga ama
dabaal ayey baran karaan.
Xarunta kulanka ee Alsalaam
Ururka isboortiga ee Alsalaam
waa mid aad iyo aad u fidaaya. Waxaa uu hadda ururku ku guuleystey
inuu helo xarun aad u weyn oo ku taala agagaarka xaafada Fröslunda.
Xaruntaas waxaa loo siticmaali doonaa waxyaalo kala duwan oo ay ka
faaìideystaan dhalinyarada muslimiinta ah. Labada sano ee soo socda
waxaa ay xaruntu xooga saari doontaa arimaha soo socda.
Dhalinyarada
Xarunta Alsalaam waxaa ay
bilaabi doontaa howlo kala duwan oo ku wajahan dhalinyarada iyo
caruurta.
Tusaale ahaan waxaa xaruntu
noqon doontaa meel ay ku kulmaan dhalinyarada iyocaruurta
muslimiinta ah, halkaas oo ay ka heli doonaan waxyaalo kala duwan oo
lagu ciyaaro sida bilyaardi, kubada miiska iwm.
Kulan waalideed
Xarunta Alsalaam waxaa ku
kulmi doona waalidiinta dhalinyarada iyo caruurta muslimiinta ah ee
ka tirsan kooxda alsalaam. Waalidiintu waxaa ay halkaas isku
dhaafsan karaan fikrado iyo warbixino kala duwan. Waxaa kaloo ay
waalidiintu heli karaan talooyin ku saabsan waxyaalaha kobcin kara
tacliinta dhalaanka yar yar.
Kulamo kale oo muhiim ah
Xarunta Alsalaam waxaa ay
qaban qaabin doontaa kulamo ka dhexeeya dadka muslimiinta ah iyo
bulshada kale ee aan la noolahay. Kulamada noocaas ahi waxaa ay
noqon karaan kuwo la isku barto, fikrado kala duwana la isku
dhaafsado. Waxaa mararka qaarkood xarunta lagu casumaa dad wakiil ka
ah shirkadaha kala duwan ee gobolka si ay usoo bandhigaan qaabka ay
dadka u shaqaaleeyaan iwm.
Haddaba ha moogaan howlaha
kala duwan ee ururka Alsalaam
Waxii faahfaahin ah kala
xiriir:
Tfn: 070-319 57 33 , ama
C/risaq, 076-2639949
Fax: 016-42 03 49
info@alsalaam.se
|